Dablay Hubaysan Oo Nin Oday ah ku Dishay Duleedka Magaalada Muqdisho

Degaanka Ceelaha Biyaha ee duleedka Magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay sheegayaan in rag hubeysan ay Maanta barqadii halkaasi ku dileen Nin Oday ahaa, iyaga oo dilka, kaddib goobta ka baxsaday.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu Magacaabi jiray Axmaday Siidow Cismaan , waxaana la sheegay in uu ahaa Guddoomiyaha Hay’ad Maxali ah oo lagu Magacaabo B.O.D sidoo kalena uu ahaa Ganacsade.

Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Ninka la dilay oo Caanka ahaa Magaalada Muqdisho ee Gobolka Shabeellaha Hoose uu ku sugnaa xilliga la dilay Goob uu ka dhacayay Meher oo ku taalla degaanka Ceelasha Biyaha.

Majiro cid sheegatay mas’uuliyadda dilka welina lama cadda sababta loo dilay, waxaana Goobta tegay Ciidamo ka tirsan dowladda, kuwaas oo halkaasi ka sameeyay howlgallo ay ku baadi goobayeen dadkii ka dambeeyay dilkaas.