Dowlad Degaanka Somalida Itoobiya Oo heshiis Amni la Gaartay Maamul Goboleedka Galmudug.

Shirkan oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Amniga Gudaha Galmudug ayaa waxaa ka qayb galay Wasiirka Amniga Ahmed Macalin , Wasiirka Arimaha Gudaha Abdiwayeel , Wasiirka Gargaarka Iyo Wasiirka Maaliyada.

Sido kale waxaa Shirka ka qayb galay lamaha Amniga Galmudug oo ay ugu hore yaab Taliyaha Nabadsugida Galmudug Taliye kuxigeenka qaybta 21naad , Taliyaha Booliska Qaybta Galgaduud Taliyaha Nabadaugida Dagmada Cabudwaaq iyo kuxigeenkiisa iyo saraakiil kale .

Shirkaan ayaa waxaa diraada lagu saarayay Amanka Xaduuda kala qaybisa Galmudug iyo Dowlada Deeganka Somalida oo maalmahan ay ka jirtay amni daro sidoo kale waxaa Shirkaani awooda lagu saarayay sare u qaadida Amniga Dagmada Cabudwaaq.

Shirka ayaa ku soo dhamaday is afgarad iyo in lamaha Amniga Galmudug iyo kuwa Dowlad Deeganka Somalida Itobiya ay wada shaqayn yeeshan waxana maalmaha so socda deeganadaasi ka bilaabanaya howlgalo balaaran oo Amniga lagu sugayo.