Fannaanka caanka ah Teddy Afro oo Itoobiya ugu baaqay inay soo afjarto dilka shacabka lagula kaco

Fannaaka caanka ah ee Itoobiya u dhashay, Tewodros Kassahun, oo loo yaqaanno Teddy Afro, ayaa ugu baaqay dowladda inay ka hortagto tacaddiyada ka dhanka ah bani`aadannimada ee lagula kaco dadka rayidka ah.

Xasaradaha ku saleysan isirka ayaa caqabad ku noqday dowladda Itoobiya. Keliya toddobaadkii la soo dhaafay ugu yaraan 31 qof oo rayid ah ayaa maleeshiyaad aan la garaneyn waxay ku dileen koofurta dalkaas.

“Waxaan si xooggan ugu boorrinayaa dowladda inay tallaabooyin ka hortag ah ka qaaddo weerarrada noocan oo kale ah,” Teddy ayaa sidaasi ku yiri qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook.

Teddy ayaa taageero aad u weyn ka heysta gudaha Itoobiya iyo qeybo kale oo caalamka ah.

Balse kama marna cambaareyn uu kala kulmo heesihiisa. Sanadkii 2005 wuxuu soo saaray heeso loo arkay inuu ku durayo maamulkii berigaas jiray, kaddib doorashadii lagu murmay.

Heesihiisa waxay haatan astaan u noqdeen dibadbaxyada dowladda ka dhanka ah.