Fayraska Korona ee ku dhacay Trump oo su`aalo badan la iska weydiinayo

Inkastoo Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump uu xaqiijiyay in isaga iyo xaaskiisa uu ku dhacay fayraska Korona, haddana waxaa jira su`aalo badan oo aan laga jawaabin.

Su`aasha koowaad waxay tahay goorta iyo halka uu ka qaaday fayraska.

Tan way adag tahay in laga jawaabo – madaxweynuhu wuxuu ku mashquulsanaa ololaha doorashada, inta bandanna ma xirto maaskarada wejiga.

Sida laga soo xigtay wakaaladda wararka ee AP madaxweynaha ayaa wareysi uu siiyay Fox News ku sheegay inuu la kulmay xubno ka tirsan milatariga.

“Waxay doonayaan inay hab ku siiyaan, waxayna doonayaan inay ku dhunkadaan,” ayuu yiri.

Waxaynu ognahay in madaxweynaha laga helay fayraska kaddib markii laga helay kalkaalisadiisa Hope Hicks. Balse ma ogin halka iyo goorta ay qaadday fayraska.

Ma garan karno haddii madaxweyne ku xigeenka Mike Pence, oo toddobaadkan ay isla socdeen Trump laga baaray fayraska iyo inkale.