Guddiga Maamulaya Batroolka Somaliya Oo la Magacaabay iyo Somaliland Oo Xubin ka Heshay(Akhriso)

Hay’adda Batroolka Soomaaliya (SPA) ayaa magacowday todoba agaasimeyaal madax-bannaan oo ka mid noqon doona boodhka hay’adda.

Agaasimayaasha cusub ayaa kala matalidoona dowlad goboleedyada, gobolka Banaadir iyo dowladda federalka Soomaaliya.

Halkan ka Akhriso Xubnaha Guddiga Batroolka ku matalaya maamulada ayaa kala ah

1 Asha Osman Ahmed, Gobolka Banaadir ahna Gudoomiye kuxigeen

2 Ibrahim Ahmed Layte, Hirshabelle

3 Abdulkadir Aden Mohamud, Galmudug

4 Ibrahim Abdulkadir Mohamed, Koonfur Galbeed

5 Ahmed Haji Abdi, Jubaland

6 Abdihafid Ali Dirir, Somaliland

7 Mahad Mohamed Sh. Hassan, Dowlada Federaalka

Gudiga cusub ayaa loo xilsaaray kor u qaadida warshadaha saliida iyo gaaska iyo in ay hubiyaan in sharciyadda horumarinta maaliyaddeed ee lasoo saaray ay la jaanqaadayaan mabaadi’da sinnaanta, furfurnaanta, la xisaabtanka, daah furnaanta iyo takoor la’aanta danaha dadka Soomaaliyeed oo dhan.

Maareeyaha Hay’adda Batroolka Soomaaliya Ibraahim Cali Xuseen ayaa yiri,” “guddigan wuxuu hubin doonaa in dhamaan maamulada xubnaha ka ah ay awoodaan inay gacan ka geystaan qaabeynta horumarka warshadaha ayna soo jiitaan maalgashi caalami ah si loo kordhiyo soo kabashada dhaqaalaha keydka saliida iyo gaaska Soomaalia.”

Si kastaba ha ahaatee, Madaxweyne Maxamed Farmaajo iyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa ansixiyay guddigan oo maamuli doona Hay’adda Batroolka Soomaaliyeed.