Hindiya Oo ku Dhawaaqday Inay si Buuxda U Taageersan Tahay Faransiiska.

Qaar ka mid ah waddamada caalamka ayaa muujiyay taageero ay la garab taagan yihiin Faransiiska, iyagoo canbaareeyay weerarrada lala beegsaday, waxaana maanta si arsmi ah dalalkaasi ugu biirtay Dawlada Hindiya oo kale ku dhawaaqday inay si buuxda u garab taagan tahay Faransiiska.

Ra’iisul Wasaare Narendra Modi ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay inuu si adag u canbaareynayo weerarradii argagixiso ee dhawaan ka dhacay Faransiiska.

Qoraal uu soo dhigay ciwaankiisa gaarka ah ee Twitter-ka ayuu Mr Modi ku yidhi: “Waxaan si xoog badan u canbaareynayaa weerarradii argagixiso ee laga geystay Faransiiska, oo uu ka mid yahay kii ugu dambeeyay ee foosha xumaa ee ka dhacay gudaha kaniisadda ku taalla Nice.”

Hindiya waa waddanka labaad ee ay ku nool yihiin muslimiinta ugu badan caalamka