Itoobiya: Gobolka Tigray oo dowladda uga digay inay xiriirka u jarto

Madaxweyne ku xigeenka gobolka waqooyiga Itoobiya ku yaalla ee Tigray ayaa ka digay in go`aanka aqalka sare ee ah in gobolkaasi laga goosto taageeradii la siin jiray ay ka sii dari doonto xiisadda dalkaasi ka taagan.

“Xukuumaddu waxay gobolka Tigray ka saareysaa nidaamka federaalka taasna waa mid aan gebi ahaanba la aqbali karin,” ayuu yiri Abraham Tekeste.

Hadalka ninkan ayaa imaanaya kaddib markii Aqalka Sare ee dalkaas uu ugubaaqay Ra`iisul Wasaare Abiy Axmed in xukuumaddu ay maalgelinta ka goosato dowladda Tigray kaddib markii uu gobolku qabtay doorashooyin-goboleedka kana dhega adeygay amarka guddiga doorashooyinka.

Guddiga doorashooyinka ayaa qaadacay dhammaan doorashooyinka uu gobolku qabsaday.

Balse dowladda Tigray ayaa diidday go`aankaas, toddobaadkii la soo dhaafayna waxay ku dhawaaqday inaysan qaadan doonin amarka dowladda federaalka, iyadoo sheegtay in xilligeeda uu dhammaaday.

Afhayeenka Aqalka Federaalka ee Itoobiya Adem Farah ayaa ku eedeeyay dowladda Tigray inay si sharci darro ah u qabatay doorashooyinka gobolka.

Madaxweyne ku xixgeenka dowladda Tigray ayaa sheegay in dowladda federaalka ay sanadkii hore gobolkaas ka uruurisay 7bn oo Birta Itoobiya ah ($1.9m; £1.4m) isla markaana ay qorsheyneyso inay sanadkaanna ka uruuriso 8bn.

Lacagta ayaa laga uruuriyaa gobollada kale waxaana loo qeybiyaa dowlad-goboleedyada, iyadoo la marayo hannaan la isku raacsan yahay.

Wuxuu ugu baaqay dowladda inay u dhaqanto si mas`uuliyad leh, oo aysan qaadin tallaabooyin sababi kara in dadweynaha Tigray ay waayaan adeegyada aasaasiga ah sida caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Dowladda gobolka Tigray ayaa u yeertay xubnaha kaga jira baarlamaanka iyo dowladda federaalka. Qaarkood ayaa haatanba gaaray caasimadda gobolkaas, Mekelle.