Itoobiya oo muddo kaddib dib u fureysa iskuullada

Iskuullada Itoobiya ayaa maanta dib loo furay kaddib in ka badan toddoba bilood oo ay xirnaayeen sababo la xiriira xanuunka safmarka ah ee COVID-19. Iskuullada ayaa qeyb qeyb loo furi doonaa, iyadoo ardayda ku nool meelaha miyiga ah ay ugu horreyn ku laaban doonaan fasallada.

Itoobiya oo ah dalka labaad ee ugu bulshada badan Afrika ayaa waxaa laga soo sheegay ilaa 90,000 oo kiisaska COVID-19 iyo in ka badan 1300 dhimasho ah.

Iskuullada Itoobiya ayaa la xiray saddex maalmood kaddib markii dalkaas uu shaaciyay kiiskii ugu horreeyay ee cudurka bishii March.

Waaliddiinta qaar ayaa ka walaacsan inay carruurtooda u diraan iskuullada, balse wasaaradda waxbarashada ayaa sheegtay inay qaadeyso dhammaan tallaabooyinka muhiimka ah ee looga hortagayo in fayrasku uu ku faafo iskuullada.

Tallaabooyinkaas waxaa ka mid ah in ilaa 50 milyan oo maaskarada wejiga loo qeybiyo ardayda iyo macallimiinta.

Itoobiya ma aysan soo rogin xayiraad buuxda inta uu socdo xanuunkan safmarka ah.

Shan bilood oo xaalad degdeg ah oo ay Itoobiya soo rogtay waxay ku ekeyd horraantii September.