Jabuuti, Somaliland, Iyo Is-maamulka Somalida Itoobiya Oo Iskaashi Amni Yeelanaya.

Madaxweynaha Somaliland,Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan la qaatay wufuud ka kala socotay dalka Jabuuti iyo maamulka Soomaalida Itoobiya, kuwaas oo ka qeyb-galay furitaanka tartanka koobka gobollada Somaliland oo Maalin ka hor ka furmay garoonka kubbadda cagta ee Hargeysa Stadium.

Wufuuddan oo ay hoggaaminayeen wasiirrada ciyaaraha u qaabilsan dalka Jabuuti, Xassan Maxamed kaamil iyo maamulka Soomaalida Itoobiya, Cumar-Siyad Ibrahim Ahmed ayaa madaxweynaha Somaliland uu uga mahadnaqay sida ay uga soo qaybgaleen furitaanka tartanka gobollada Somaliland.

Sidoo kale Kulanka saddex geesoodka ahaa ayaa waxaa looga hadlay sidii iskaashi la xiriira dhanka Amniga ay yeelan lahaayeen, maadaama dowladda Jabuuti, Maamulka dowlad degaanka Soomaalida iyo Somaliland ay xaduud wada leeyihiin.

Madaxweynaha Soomalailand Muuse Biixi Cabdi ayaa balan qaaday in Somaaliland dhankeeda ay adkeyneyso amniga xaduudaha, isla markaana iskaashi dhanka Amniga ay la yeelaneyso Ciidamada ilaalada Caduudaha ee dowladda Jabuuti & Maamulka dowlad degaanka Soomaalida.