khasaaro ka Dhashay Dagaal ka Socda Xaafad ka Tirsan Muqdisho.

Iska horimaad hubeysan ayaa labo ciidan oo ka tirsan DF ku dhexmaray xaafado ka tirsan degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in iska horimaadka uu ka dhacay wadada Buundooyinka gaar ahaan inta u dhexeysa Suuqa beerta iyo Buundada Anzalooti ka dib markii ay halkaas fooda isku dareen ciidan nabad sugid ah iyo Booliska qaabilsan ilaalinta Canshuuraha.

Goob joogayaal ayaa sheegaya in labada ciidan ay halkaas isku weydaarsadeen rasaas culus oo sababtay dhimasho iyo dhaawac.

Labo qof oo kala ah askari iyo qof shacab ah ayaa la soo sheegayaa iney ku dhinteen iska horimaadkan halka qaar kalena ay ku dhaawacmeen.

Weli ma cadda sababta dhalisay iska horimaadka, hase ahaatee waxaa hakad ku jira isku socodka dadka iyo gaadiidka ee qeybo ka mid ah wadada buundooyinka, waxaana weli la maqlayaa rasaas goos goos ah.