Laacibka Caanka Ee Pogba Oo Go’aan Adag ka Qaatay Aflagaadadii Diinta Islaamka Ee M/Macron-ka Faramce.

Xiddiga Khadka dhexe ee Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu go’aansaday inuu ka fadhiisto ciyaaraha xulka qaranka France kaddib markii uu Madaxweynaha dalkaasi ku gefay Diinta Ilsmaaka oo uu ku tilmaamay mid argagixiso.

Laacibka Manchester United ayaa la sheegay inuu aad uga cadhooday hadalka kasoo yeedhay Madaxweynaha waddankiisa Jimcihii, isla markaana uu joojinayo inuu mar dambe dalkaas u ciyaaro, taas oo uu ugu hiilinayo DIINTA Islaamka.

Madaxweynaha Faransiiska ayaa la sheegay inuu Diinta Islaamka ku sheegay ‘Argagixiso caalami ah’ xilli uu ka hadlayay macallin Faransiis ah oo lagu dilay dalkaas kaddib markii uu tusiyey arday uu wax u dhigayay sawir-gacmeed uu ku sheegay ‘Nebi Muxamed’ N.N.K.H.

Sida uu qoray wargeyska The Sun oo aanu warkan kasoo xiganay, ilo-wareedyo bariga dhexe ah ayaa u xaqiijiyey in 27 jirkan khadka dhexe uu go’aansaday in aanu mar dambe u ciyaarin xulka France ee Madaxweynihiisu uu ku gefayo Diinta Islaamka ee uu rumaysan yahay.

Pogba iyo xidhiidhka kubadda cagta France ayaanu midkoodna war rasmi ah kasoo saarin, hase yeeshee warku wuxuu intaa ku daray in laacibkani uu aad uga cadhooday in Madaxweyne Emmanuel Macron uu hadalka noocan ahi kasoo yeedho.

Samuel Party oo 47 jir ah ayaa lagu dilay Contlans-Sainte-Hornorine oo 40km dhinaca woqooyi galbeed ka xigta magaalada Paris, waxaana dhimashadiisa kaddib la guddoonsiiyey abaal-marinta halyeyiinta Fransiiska ‘French Legion d’honneur’.

Emmanuel Macron oo hadlay ayaa weerarkaas ku sheegay mid argagixiso, iyadoo uu gebi ahaan diintana Islaamkana ku tilmaamay mid argagixiso.

Paul Pogba ayaa xulka qaranka France lagu daray sannadkii 2013 waxaanu udub-dhexaad u ahaa guushii Koobka Adduunka ee 2018kii, iyadoo uu illaa haddana u saftay 72 kulan oo uu u dhaliyey 10 gool.