Madaxweynaha Eritrea oo booqanaya Itoobiya

Madaxweynaha Eritrea Isaias Afwerki ayaa booqasho saddex maalin qaadaneysa ku tagay dalka Itoobiya.

Wafdiga madaxweynaha waxaa ka mid ah Wasiirka Arrimaha Dibadda Osman Saleh iyo la taliye madaxtooyada ka tirsan Yemane Ghebreab.

Madaxweyne Isaias iyo Ra`iisul Wasaare Abiy Ahmed, ayaa ka wada hadli doona sare u qaadidda xiriirka labada dal iyo sidoo kale iskaashiga gobolka, sida uu shaaciyay wasiirka arrimaha gudaha ee Eritrea.

Warbaahinta dowladda Itoobiya ayaa soo wadaagtay sawir muujinaya imaanshaha Madaxweyne Isaias:

Social embed from twitter

Itoobiya iyo Eritrea ayaa sanadkii 2018 soo afjaray xiisad u dhaxaysay muddo labataan sano ah waxayna kala saxiixdeen heshiis nabadeed.

Exit mobile version