Madaxweyne Muuse Biixi Oo Maamuusay Duuliyihii Diiday inuu Duqeeyo Magaalada Hargeysa(Sawirro)

Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa kulan xus iyo maamuus qaran ah la qaatay Duuliye sare Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo ka mid ahaa ciidankii cirka ee dawladdii Kacaanka, isla markaana diiday inuu fuliyo amarkii lagu siiyay inuu duqeeyo Magaalada Hargeysa 1988-kii, isagoo diyaaraddii uu wadayna ka dejiyay Dalka Jabuuti.

Munaasabaddan lagu xusayey kaalinta muhiimka ah ee uu Duuliye Axmed Maxamed Xasan kaga jiro taariikhda Somaliland oo caawa lagu qabtay qasriga madaxtooyada, islamarkaana uu abaabulkeeda lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi

Guddoomiyaha golaha wakiillada, Mudane Baashe Maxamed Faarax, ku-xigeenkiisa, Mudane Axmed-yaasiin Sheekh Cali Ayaanle, ayaa iyaguna duuliyaha ku tilmaamay halgamaa qaatay go’aan geesinnimo leh oo baal dahab ah ka galay taariikhda Jamhuuriyadda Somaliland.

Duuliye Axmed Maxamed Xasan (Axmed-dheere) oo isaguna kelmado kooban jeediyey, ayaa ugu horrayn si ballaaran ugu mahadnaqay shacabka Somaliland iyo madaxdooda oo uu ku tilmaamay dad xariir ah oo xasuusan abaalkii loo galay, waxana uu hoosta ka xarriiqay inay qalbigiisa ku weyn tahay wanaagga taageerada looga muujiyey guud ahaan geyiga Somaliland.

Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda maamuuska qaran soo gunaanaday, ayaa si mug leh ugu mahadnaqay duuliye sare Axmed Maxamed Xasan, waxana uu ku tilmaamay geesi indheer-garad ah oo qaatay go’aan adag oo uu ku badbaadiyey kumannaan nafood oo shacab ah iyo hanti ummadeed oo dulmi lagu burburinayey.

Biixi waxa uu guddoonsiiyey duuliyaha billad-sharafta ugu weyn ee Somaliland lagu bixiyo, Baasaboorka Somaliland oo Diblomaasi ah iyo mulkiyadda dhul uu duuliyuhu leeyahay oo looga dhisayo dhisme guri isaga u gaar ah.