Maxkamada Hargeysa Oo Xakun ku Riday Rag Lagu Eedeeyay Kufsi.

Maxkamada Magaalada Hargeysa ee Somaliland ayaa maanta lasoo taagay rag lagu eedeeyay in ay geysteen fal kufsi ah.

7 dii eedaysane ee ku eedaysnaa in ay kufsadeen Cawo Xariir oo ka mid ahayd caruurta xarunta agoomaha ayaa ay saaka dacwadoodi Maxkamadda Gobolka Hargeysa xukun ka soo saartay.

Maxkamada ayaa ku dhawaaqday xukunka waxaana labo ka mid d ah 7 dii eedaysane ku xukuntay min 3 sano oo xadhig ah.

Halka 5 tii kale ay midkiiba maxkamaddu ku xukuntay 6 bilood oo xadhig dibad joog ah.

Xafiiska Xeer Ilaalinta Somaliland ayaa sheegay in aysan ku qancin xukunka lagu riday raggaan islamarkaana ay qaadan doonaan racfaan.