MCH-ka Idhanka Deerayahanka Oo Laga Fuliyey Hawlgal Caafimaad Bilaash ah

Dhakhaatiirta iyo aqoonyahanka Idhanka Deerayahanka ayaa hawl gal caafimaad oo bilaash ah ka fuliyey MCH-ka Indhanka ka dib markii Qurba Joogta Indhanku ay dhiseen MCH-ka, Madarasad Quraanka carruurta lagu baro iyo Fasalo cusub oo ay ku kordhiyeen Iskuulkii Indhanka.

Waxa kale oo ayu dhakhatiirtu ballan qaadeen in ay maalin kasta oo Jimce ah oo laga nasanayo shaqooyinka ay ka qabtaan Dhakhtarka weyn ee Hargeysa iyo guud ahaan Gobolka Maroodi Jeex ay Jimce kasta ka fulin doonaan hawlgankan MCH-ka Indhanka oo ay dadkoodu iyo deegaanka iyo inta la jaarka ahba si bilaash ah u dawayn doonaan.

Waxa kale oo ay qurbo joogtu gacanta ku hayaan sidii loogu soo iibin lahaa Ambulance, Canteen carruurta iskuulka iyo madarasada dhiganaysa cuntada loogu samayn lahaa iyo meel loogu kaydiyo biyaha wakhtiga jiilaalka.

Waxa madasha hawgalka caafimaadka bilaashka ah isaguna ku sugnaa Guddoomiyaha Qurbajoogta Joogta Indhanka Guddoomiye Maxamed Shide oo fasax gaaban ku yara jooga wadanka.