Muqdisho: Sarkaal kufsi lagu eedeeyay oo dil lagu xukumay

Maxkamadda ciidammada qalabka sida ee Soomaaliya ayaa maanta waxa ay Maxamed Xuseen Cilmi ku xukuntay dil.

Maxamed oo ka tirsan ciidammada xoogga dalka ayaa waxa lagu eedeeyay inuu degmada Wadajir ee magaalada Muqdisho ku kufsaday gabar 14 sano jir ah.

Guddoomiyaha Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidammada qalabka sida Gaashaanle Sare Xasan Cali Nuur shuute ayaa riday xukunka dilka ah. Maxamed ayaa haysta fursad uu xukunkaasi racfaan uga qaadan karo.

Exit mobile version