Nin dalkii uu qaxootiga ku ahaa ka noqday xildhibaankii ugu horreeyay oo Afrikaan ah

Nin qaxooti ahaa oo ka soo jeeda Eritrea ayaa noqday dalka New Zealand ka noqday xildhibaankii ugu horreeyay oo Afrikaan ah, kaddib markii Xisbiga Shaqaalaha dalkaas uu gaaray guushii ugu weyneyd muddo 50 sano ah.

Ibrahim Omer ayaa haatan ka mid noqonaya xildhibaannada dalkaas.

Xisbiga Ra’iisul Wasaare Jacinda Ardern ayaa ku guuleystay kuraas badan taas oo u oggolaatay in Ibrahim uu baarlamaanka galo.

Ibrahim ayaa ololihiisii ku sheegay inuu doonayo inuu u dagaallamo dadka isaga la midka ahaa si ay u helaan fursado wanaagsan.

Wuxuu dalka Eritrea ka soo cararay sanadkii 2003, isagoo qaxooti ku noqday dalka Sudan. Wuxuu kaddib soo aaday dalka New Zealand isagoo nadiifiye ka noqday Jaamacadda Victoria.

Wuxuu wax ka bartay isla jaamacaddaas isagoo u dallacay inuu kormeere u noqdo shaqaalaha nadaafadda, wuxuu kaddib ku biiray siyaasadda.