Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Oo Socdaal ku Maraya Dhulka Dowlad Degaanka Somalida

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Dr, Abiye Axmad iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa waxaa ay gaareen magaalada Godey ee xarunta gobolka Shabeelle ee dowlad degaanka Soomaalida.

Wafdiga Abiy Axmed ayaa waxaa soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowlad degaanka Soomaalida Mustafe Muxumed Cumar, Golhiisa Wasiirada, Odayaasha Dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed ayaa lagu wadaa in booqasho hal maalin ah uu ku maro degaano badan oo ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida, isaga oo la kulmi doona Maamulada degmooyinka iyo Bulshada intaba.

Booqashada Ra’iisul Wasaaraha itoobiya uu ku tegay degaano ka tirsan dowlad degaanka Soomaalida ayaa waxaa uu kusoo aadayaa xilli uu socdo dagaal u dhaxeeya Canfarta iyo Soomaalida, kaas oo geystay khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah.