RW Iceland Oo Qabsatay Dhacdo Naxdin Leh Xili ay Bixineysay Wareysi (Sawiro)

Waddanka Iceland ayuu Dhulgariir ka dhacay xilli ay si toos ah hawada ugu jirtay haweeneyda Ra’iisul Wasaaraha ka ah dalkaas, Katrín Jakobsdóttir oo wareysi muuqaal ah bixineysay.

Jakobsdóttir ayaa markii hore ka naxday dhawaaqa iyo gilgilashada, hase ahaatee si ay wareysiga sii waddo, waxay ku guuleysatay inay isdajiso.

Waxa wax laga weydiinayay xaaladda fayraska corona ee waddankeeda iyo baaritaannada ay sameeyaan ayuu mar qura jawigeeda is baddalay kaddib markii la maqlay dhawaaqa dhul-gariirka.

“Alla rabiyow, waxaa dhacay dhul-gariir, iga raalli noqda dhul-gariir ayaa hadda dhacay, Hagaag halkan waa Iceland,” ayey tiri iyadoo qosol sii raacisay.

Wariyihii ayaa weydiiyay sida ay dareemeyso, waxayna u sheegtay inay caadi tahay. “Ka raalli noqda taas, kaliya waxaan dhammeystirayaa su’aasha… Haa aad baan u fiicanahay, guriga wali wuu is xajinayaa, marka walwal ma jiro.”

Dhul-gariirkaas, oo uu cabirkiisu ahaa 5.6-magnitude (oo lagu qiyaaso cabirka dhul-gariirrada) ayaa ku dhuftay magaalada Krysovik, lamana soo sheegin khasaare ka dhashay.