Shiinaha oo ka soo kabanaya saameynta dhaqaale ee coronavirus

Dhaqaalaha Shiinaha ayaa ka soo kabanaya xanuunka safmarka ah ee Covid-19, sida laga soo xigtay xogtii ugu dambeysay ee ay dowladdu soo saartay.

Dhaqaalaha dalkaas oo ah kan labaad ee ugu dhaqaalaha roon dunida ayaa kor u kacay 4.9% intii u dhaxeysay bilihii July iyo September, marka loo barbardhigo isla xilligan oo kale sanadkii hore.

Si kastaba, tiradan ayaa ka hooseysa 5.2% oo ay filayeen dadka dhaqaale-yahannada ah.

Saddexdii bilood ee ugu horreysay sanadkan dhaqaalaha Shiinaha ayaa hoos u dhacay 6.8% kaddib markii ay xirmeen warshadaha wax soo saar ee ugu weyn dalkaas.

Waana markii ugu horreysay ee uu sidaas u wiiqmo dhaqaalaha Shiinaha tan iyo intii uu bilaabay diiwaangelinta sanadkii 1992.

Dowladda Shiinaha ayaa sanadkan ku dhawaaqday tallaabooyin wax looga qabanayo dhaqaalaha dalkaas ee uu saameeyay coronavirus.