Xaaska Ra’iisul Wasaaraha Armenia Oo Tababar Militari U Qaadanaysa Dagaalka Azerbaijan.(Sawiro)

Xaaska Ra’isul Wasaaraha dalka Armenia Nikol Vovayi Pashinyan, ayaa shaaca ka qaaday in ay qaadaneyso tababar dhinaca milatarifga ah si ay uga qeyb qaadato dagaalka xoogan ee u dhaxeeya Wadamada Armenia iyo Azerbijan.

Anna Hakobyan oo 42-sano jir ah ayaa qoraal ay soo dhigtay barta ay Facebook ku leedahay ku shaacisay in ay go’aansatay in ay qaadato tababar ciidan si ay uga qeyb gasho dagaalka u dhaxeeya Azerbijan iyo dalkeeda.

“Laga bilaabo berri aniga 13 haween ah oo kale waxaan bilaabeynaa qaadashada tababar militari, maalmo kaddib waxaan tegi doonaa deegaanada xudduudda ah, mana ogolaaneyno in dhulkeena iyo dalkeena uu la wareego cadawga”ayey tiri Anna.

Waxa ay sheegtay Haweeneydan in diyaar u tahay difaaca dalkeeda, waxa ayna ugu baaqday shacabka Armenia in ay kusoo biiraan ciidamada una diyaargaroobaan difaaca dalkooda sida ay tilmaantay.

Dagaalka u dhaxeeya dowladaha Azerbijan iyo Armenia oo ka dhashay gobolka ay isku heestaan labada dal ee Nagorno-Karabakh ayaa galaaftay nolosha boqolaal qof oo isugu jira shacab iyo ciidan.