Xildhibaanad Kenyan ah oo dil lagu eedeeyay oo maxkamad la soo taagay

Xildhibaanad ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa muddo saddex maalmood ah u xirneyd si loo baaro caafimaadkeeda maskaxda kahor intaan la soo taagin maxkamad, iyadoo ku eedeysan dil.

Xildhibaanadda laga soo doorto magaalada Malindi ee gobolka Xeebta ee dalka Kenya Aisha Jumwa ayaa la soo taagay maxkamad ku taalla magaalada Mombasa. Dacwad oogayaasha ayaa sheegay inay caddeymo ku filan u hayaan inay dishay Ngumbao Jola sanadkii 2019.

Mr Jola oo ay Aisha ku tartamayeen kursiga Malindi ayaa dilay xilli uu socday ololaha doorashada.

Waxaa kaddib la sheegay in markii ay arrintaasi dhacaysay ay Ms Jumwa weerartay guriga siyaasigaasi iyadoo ay iska hor yimaadeen taageerayaashiisa.

Dadka kale dadka qaar ayaa ku eedeeyay dowladda inay Ms Jumwa ku dhibaateynayaan fakarkeeda siyaasadeed.

Xildhibaanadda ayaa muujisay taageerada ay u hayso rajada uu madaxtinnimada ka qabo madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto. Waxaa sidoo kale Aisha lagu haystaa eedeymo la xiriira inay musuqmaasuqday lacag dhan 20,000 oo dollar, taas oo loogu talogalay horumarinta deegaankeeda.

Siyaasiyiin kale oo dhowr ah ayaa baaritaan uu ku socdaa amaba maxkamad loo soo taagay iyagoo loo heysto eedeymo musuqmaasuq ah.

Bishii June, xildhibaanka John Waluke ayaa lagu xukumay 67 sano oo xarig ah, amaba inuu bixiyo toddoba milyan oo doollar isagoo loo heystay musuqmaasuq.

Kaddib markii uu afar bilood xabsi ku jiray waxaa lagu sii daayay damaanad, isagoo sugaya inuu racfaan ka qaato xukunkaas.