Abiy Ahemed Oo Xaqiijiyey In Uu Dayaarado Ku Weerayay Gobolka Tigreega

Rai’sul wasaaraha dalka Itoobiya ayaa sheegay in duqeymo lala bartilmaameedsaday bakhaaro uu hub ku keydsanaa oo ku yaalaa golka Tigreeda ee waqooyiga dalka Itoobiya.

Abiy Ahmed ayaa sheegay in duqeymahaasi lagu burburiyay tiro madaafiic oo goobtaasi ku keydsanaa.

Rai’sul wasaaraha oo khudbad ka jeediyay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in duqeymahani ay dhaceen Khamiistii iyo Jimcihii.

Waxaa uu intaa ku daray in duqeymha ay sii socon doonaan tan iyo inta laga adkaanayo ciidamada gobolka Tigreeda.

My Abey ayaa sheegay in duqeymaha lagu burburiyay Gantaalo, Raadaaro iyo madaaafiic yaalay gobolkaasi Tigreeda.

Waxaa uu intaa ku daray in madaaficda la burburiyay qaarkood ay masaafo ahaan gaari lahaayeen 300 oo km.

Wakaaladda wararka ee AFP ayaa horey uga soo xigatay rai’sul wasaaraha in “duqeymaha aan lagu bartilmaameedsan goobaha dadka rayidka ah, balse bartilmaameedku ahaa goobo ay hub ugu keydsan yihiin mucaaradka TPLF”..

Balse saraakiisha gobolka Tigreeda oo la hadlay warbaahinta, ayaa waxay beeniyeen in duqeymo ay dhaceen Jimcihii.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay “in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka loo joojiyo”.