Arsenal Oo Lagu Dhaliilay Cunsiriyadda Ay Kula Dhaqanto Ozil

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa lagu eedeeyey ‘laba-wajiilayn’ iyo cunsuriyad ay ku samaynayso xiddiga muslimka ah ee Mesut Ozil oo laga reebay liiska ciyaartoyda kooxdaas ee tartanka Europa League iyo sidoo kale Champions League.

Golaha Dadka Turkey-ga ah Ee Cyprus (The Council of Turkish Cypriot Associations) ayaa warqad furan u diray Arsenal Arbacadii shalay, waxaanay ku dhalleeceeyeen sida ay kooxdaasi ula dhaqmayso xiddiga Muslimka ah ee koobka Adduunka kula guuleystay Jarmalka.
Warqaddu waxa kale oo ay ku eedaysay Arsenal inay faquuq ku hayso dadka kasoo jeeda bulshadooda oo ay takoorayso.
Ururkan oo metela dadka tiradoodu ka badan tahay 300,000 qof ee Turkish Cypriot-ka ah ee ku nool UK, ayaa waxa uu Guddoomiyahooda Ertugrul Mehmet sheegay in kooxdani ay si aan habboonayn ula dhaqmayso Ozil, taas oo ka duwan ciyaartoyda kale ee aan British-ka ahayn, isla markaana lagyu samaynayo caddaalad darro.

Arsenal ayaa hore loogu eedeeyey in sababta ay Ozil qaabkan ugula dhaqmayso ay tahay inuu ka hadlay Muslimiinta lagu dhibaataynayo waddanka China ee Uighur Turks oo bishii December uu indhaha dunida kusoo jeediyey xasuuqa lagu hayo iyo ciqaabta aan joogsiga lahayn ee gaadhay heer la addoonsado.

Laakiin Arsenal ayaa iska difaacday eeddaas, waxaanay xustay in aanu go’aankeedu wax siyaasad ah shaqo ku lahayn, isla markaana ay kaliya arrimaha ciyaaraha ku kooban yihiin, sidoo kalena aanay jirin waji kale oo ka dambeeya arrintan.
Balse Mahmeht ayaa uga digay Arsenal inay khatar ugu jirto inay dhaawacdo xidhiidhka ay la leedahay dadka asalkoodu Turkey-ga yahay ee taageera, waxaanu yidhi: “Tallaabadan ay kooxdu qaadday waxay bulshadayada u muujinaysaa in Arsenal ay takoor ku hayso bulshadayada.”

Ozil oo sannadkii ugu dambeeyey heshiiskiisa ku jira ayaa isaga oo aan hal daqiiqo ciyaarin tan iyo bishii March, waxa uu sii wadanayaa inuu qaato lacag dhan £350,000 Gini toddobaadkii, waxaanu ballan-qaaday inuu dhamaysan doono qandaraaskiisa.