Boqorka Sacuudiga Oo Ku Baaqay In Lagu Duulo Iiraan

Boqorka dalka Sacuudiga ayaa mar kale cambaareeyay dalka ay sida wayn ugu loolamaan gobolka ee Iiraan.

Boqor Salmaan ayaa ugu baaqay beesha caalamka in ay tallaabo adag ka qaadaan Tehraan oo sida uu hadalka u dhigay faragalin ku haysa dalalka kale islamarkana hormarinta hubka Niyukleerka.

Warkan ka soo baxay boqortooyada ayaa waxaa uu qeyb ka ahaa khudbadda sanadlaha ah ee uu u jeediyo golaha Shuurada Sacuudiga,

Waxaa uu sidoo kale hadalka boqorka Sacuudiga uu ku soo beegmayaa xilli ay hay’adda quwada Atoomikada ee Qaramada Midoobey ay sheegtay in Iran ay sii beekhaaminayso Yuureeniyamka.

Hay’adda ayaa ku eedeeysay Iranin ay beekhaaminta Yuureeniyamka ay dhaafisay xaddigii loogu talagay ee lagu xusay heshiiskii Niyukleerka ee 2015.

Iraan iyo Sacuudiga ayaa waxaa la sheegaa inay ku loolamaan awoodda gobolka bariga dhexe islamarkana waxaa u dhaxeysa caddaawad muddo dheer so socotay.

Dowladda Iiraan ayaa waxaa horey loogu eedeeyay inay taageeraan kooxda Xuutiyiinta Yemen ee dagaalka kula jira isbaheysiga uu Sacuudiga hogaamiyo.

Waxaa xusid mudan in madaxwaynaha la doortay ee Mareykanka Joe Biden uu qorsheynayo in uu dib ugu laabto heshiiskii Niyukleerka ee lala galay Iran.
Madaxwayne Donold Trump ayaa horey Mareykanka uga saaray heshiiskaasi isaga oo sheegay in dulduleelo fara badan ayna tahay in la saxo.

Dowladaha kale ee heshiiskani Niyukleerka qeyb ka ahaa ayaa dhankooda wali qeyb ka ah heshiiskaasi.

Dowladda Iran ayaa waxay dhankeeda sheegtay in ay fulisay heshiiskaasi Niyukleerka ee ay la gashay dalalka quwadaha waawayn.