Daawo Guri Dhisan 85 Sanno Oo Loo Raray Goob Cusub Isaga Oo Soconaya

Magaalada Shanghai dugsi hoose dhexe oo jira 85 sano ayaa laga qaaday dhulka – gebi ahaantiis waxaana loo raray goob kale, iyadoo la isticmaalayo tikniyoolajiyad cusub oo loogu magac daray “mashiinka socodka.”

Waxaa lagu raray mashiino u kala baxaya labbo kooxood oo kolba kor iyo hoos u kacaya, soconayay, sida ay u socdaan aadamuhu oo kale, Dareemayaal ku lifaaqan ayaa gacan ka geysanaya xakameynta sida dhismaha horay ugu socdo, ayuu yiri Lan, oo shirkaddiisa Shanghai Evolution Shift soo saartay tikniyoolajiyadda cusub ee 2018.