Dilka Jamaal Khaashuqji: Turkey oo maxkamadaynaya 20 qof oo Sucuudiga u dhalatay

Waxaa dalka Turkiga ka bilaabatay dhageysiga dacwadda loo heysto raggii lagu eedeeyay inay ka dambeeyeen dilkii 2 sano ka hor loo geystay weriyihii Sucuudiga u dhashay Jamaal Khaashuqji.

Waxaana la dhageysanayaa dacwaddooda 20 sarkaal u dhashay Sucuudiga iyago maqan.

Sucuudiga wuxuu diiday in raggaas loo soo gacangeliyo Turkiga si loogu maxkamadeeyo halkaas.

Labo sarkaal oo lagu eedeeyay inay soo maleegeen dilka weriyaha ayaa waxay saaxibo dhaw yihiin dhaxal sugaha Maxamed Bin Salmaan, kuwaas oo wax dambi ah ku waaysay maxkamad ku taalla Sucuudiga.

Khaasuqji oo ahaa nin caan ah oo dhaleecayn jiray Amiirka dhaxalsugaha ah Maxamed bin Salmaan, ayaa waxaa qunsuliyadda boqortooyada ay ku leedahay magaalada Istanbul ku dhex dilay koox Sucuudiga u dhalatay.