Dowladda UK Oo War Adag kasoo Saartay Muranka Hadheeyay Doorashada Somaliya.

Dowladda UK ayaa si adag uga hadashay khilaafka weyn ee ka taagan guddiyada doorashada Soomaaliya ee la filayo inay dhawaan dalka ka dhacdo, kuwaasi oo ay kasoo horseejteen musharaxiinta madaxweynaha ee mucaaradka

Dowladda UK ayaa madaxda iyo hoggaanka dalka ugu baaqday inay furaan saaxadda siyaasadda, islamarkaasna ay ogoladaan aragtiyada kala duwan ka hor inta aan la gaarin doorashada 2020-21.

Diblumaasi ka tirsan howlgalka UK ee Jamciyadda Qurumaha ka dhaxeysa laguna magacaabo James Roscoe oo Shalay hadal ka jeediyey shirkii arrimaha Soomaaliya ee Golaha Ammaanka ayaa ku baaqay in codeynta doorashada Soomaaliya ay noqoto mid xalaal ah, islamarkaasna ay raali ka wada yihiin dhammaan dhinacyada siyaasadda isku haya.

“Iyaddoo Soomaaliya isku diyaarineyso in ay guda gasho geedi u socod doorashooyin, hogaamiyeyaasha Soomaaliya waxaa waajib ku ah in ay furaan saxaada siyaasadda ayna ogolaadaan in la cabiro fekrado kala duwan,” ayuu yiri Roscoe.

Sidoo kale Roscoe ayaa ku baaqay in laga wada shaqeeyo in ammaanka uusan faraha ka bixin inta ay socoto doorashada, si aysan taas fursad ugu noqon kooxda Al-Shabaab oo ka dagaalanto gudaha Soomaaliya.

Ugu dambeyntii Roscoe oo ka hadlayey weerarada laga beegsado kooxaha samafalka ee ku sugan gudaha Soomaaliya iyo waxyeelada loo geysto dadka shacabka ah ayaa sheegay inay arrintaas walaac weyn ku heyso isla markaasna ay mudan tahay in si adag wax looga qabto.

“Isku-duubni caalami ah waxay muhiim u tahay in Soomaaliya looga taageero wax ka qabashada dhibaatooyinka bini’aadanimada,” ayuu ku daray.

Shirka Qaramada Midoobay oo u dhacay qaab Online ah, waxaa ka hadlay labada ergay ee Qaramada Midoobay iyo Midowga Afrika James Swan iyo Francisco Madeira oo labaduba ka hadlay doorka ay kaga jiraan taageerista geeddi-socodka xasilinta iyo dawladnimada Soomaaliya.

Ra’isul wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble oo ugu dambeyntii shirkaas hadal ka jeediyey ayaa ka hadlay heshiiskii ay gaareen madaxda dalwadda federaalka iyo kuwa maamul goboleedyada ee ku saabsan doorashada Soomaaliya. Waxa uu sheegay inay Soomaaliya ka go’antahay qabashada doorashada baarlamaanka dabayaqaada sannadkan, iyo doorashada hoggaanka horraanta sannadka soo socda.