Golaha Ammaanka oo ka shiraya xaaladda Tigray

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta gelinka danbe ka shirayaa colaadda ka taagan gobolka Tigray.

Kulankan Golaha Ammaanka ayaa imaanaya xilli dowladda Itoobiya ay sheegtay inay isku diyaarineyso sidii taangiyada dagaalka loogu weerari lahaa caasimadda Mekelle.

RA’isal wasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed xoogagga TPLF wuxuu ugu baaqay seddex maalmod oo Arbacada ku eg iney si nabad ah dowladda isugu soo dhiibaan, isaga oo sheegay iney ciidamadiisu magaalada Mekelle ay hareereeyeen ayna dhici karto wajiga seddexaad ee ugu dambeeyey dagaalka inuu billowdo.

Abiy Axmed wuxuu hoggaanka Tigraay uu u sheegay in la marayo “meel aan laga noqon karin”.