Ismaaciil Cumar Geele: Baarlamaan ay Shabaabka si dadban u maamulaan inuu soo baxa ayaan ka cabsi qabnaa

Madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle ayaa sheegay in uu ka cabsi qabo in doorashada nagu soo aadan ee Soomaaliya lasoo dooran doono xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab.

Madaxweyne Geelle oo wareysi siinayay The Afrika Report ayaa yiri “Doorashada baarlamaanka Soomaaliya waxaa la filayaa inay qabsoonto sanadka 2021-ka, waxaan ka cabsi qabaa inay kusoo afjaranto doorashada xildhibaano si dadban ay u maamulaan Al Shabaab maadama ay gadan karaan taageerada qaar kamid ah xildhibaanada”

Wuxuu intaas ku daray in saameynta Al Shabaab ay sii fiday isla markaana ay canshuur ka qaadayaan ganacsatada iyo sidoo kale inay xeryaha qaxootiga ay ka qorayaan dhalinyarada shaqo la’aanta ah.