Jabuuti Oo soo Saartay War ay ku Taageerayso Dawlada Itoobiya Ee Dagaalka kula Jirta TPLF.

Kulanka ayaa waxaa ay uga wada hadleen xaalada Itoobiya oo ay ka socdaan dagaalo u dhaxeeya Ciidamada Federaalka Itoobiya & xoogaga TPLF, dagaaladaas oo geystay khasaaro dhimasho & dhaawac ah iyo barakaca kumanaan Ruux.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti oo War kasoo saartay Kulanka ayaa sheegtay in Dowladda Jabuuti ay taageereyso Xukuumadda Abiy Axmed, balse ay ku baaqeyso in wax walba wada-hadal lagu xaliyo.

Halkan Ka Akhriso War-Saxaafadeedka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Jabuuti

Jamhuuriyadda Jabuuti waxay si aad ah ula socotaa xaaladda isku dhaca gudaha ee Itoobiya tan iyo 4tii Novembar 2020, oo ah isku dhac hubaysan oo u dhexeeya Ciidamada difaaca qaranka ee Itoobiya iyo kooxda TPLF ee gobolka Tigray.

Jabuuti waxay si buuxda u taageereysaa midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Jamhuuriyadda Federaalka iyo Jamhuuriyadda Dimoqraadiga ee Itoobiya.

Sidoo kale, Dowladda Jabuuti waxay xaqiijisay in xukuumadda ra’iisul wasaare Abiy Ahmed Ali ay tahay tan kaliya ee dammaanad qaadaysa midnimada dhuleed ee Itoobiya.

Dhinaca kale, Jabuuti waxay ku baaqeysaa in si nabad ah lagu xaliyo dhibaatadan gudaha ka jirta ee Itoobiya iyadoo uu hogaaminayo mudane Abiy Ahmed, raiisul wasaaraha Itoobiya.

Ugu dambeyntiina, Jabuuti waxay muujisay inay diyaar u tahay inay taageerto, haddii loo baahdo, dadaallo loogu talagalay in lagu xalliyo xasilloonida dhibaatadan “