Joe Biden oo la hadlay dadweynaha Mareyakanka

Madaxweynaha la doortay Mareykanka Joe Biden ayaa xalay jeediyay khudbad uu kula hadlay shacabka Mareykanka, isaga oo ballan-qaaday inuu noqon doono madaxweyne mideeya dhammaan dadka Mareykanka.

Khubadda guushiisa oo uu ka jeediyay Wilmington, Delaware, xalay fiidkii xilliga saacadda gobollada bari ee Mareykanka, ayuu Biden ugu baaqay shacabka siyaasadda ku kala qeybsamay ee Maryekanka, in hadda la joogo xilligii dhinac la isaga moosi lahaa hadallada kulkulul, lana qaboojin lahaa xaaladda isla markaana la taagan yahay waqtigi uu midbo midka kale arki lahaa oo uu dhageysan lahaa.

Biden wuxuu ku boorriyay taageerayaashiisa in la xiriiraan kuwa isaga aanan u codeyn, isaga oo u qiray taageerayaasha Donald Trump inuu dareemayo murugta ay leedahay guuldarrada.

“Marar kala duwan ayaan guul-darreystay, hadda aan isa siinno fursad,” ayuu Biden khudbaddiisa ku yiri.

Madaxweynaha la doortay ayaa sidoo kale ku dhawaaqay inuu Isniinta berrito ah ku dhawaaqi doono, guddi khubarro ah oo kala talin doona, dagaalka uu maamulkiisa ku xakameyn doono cudurka COVID-19.

Biden ayaa haddii si rasmi ah loogu dhawaaqo inuu ku guuleystay doorashadii madaxtinimada ee Talaadadi dhacday, waxa uu noqon doona madaxweynaha 46-aad ee Mareykanka. 77-jirkaan ayaa intaasi kaddib loo dhaarin doonaa xilka marka la gaaro 20-ka bisha Jannaayo ee sannadka 2021-ka.

Waxaa madaxweyne ku xigeen u noqon doonta Kamala Harris, oo hadda ah senetarad laga soo doorto gobolka California.