Maayerka Gabiley Ayaa Tacsi Ka Diray Geerida Ku Timid Marxuum Cumer Carte Qaalib

TACSI MAAYER: 18/11/2020
INNAA LILLAAHI WA INNAA ILAYHI RAAJICUUN

Maayerka Degmadda Gabiley, Maxamed Amiin Cumer Cabdi, isagoo ku hadlaya magaciisa, ka Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo ka shacbiga Magaalada Gabiley, waxa uu dhambaal tacsi ah u dirayaa, Siyaasiyiinta, waxgaradka, waayeelka, Uqaasha, aqoonyahanka, qoyska, ehelada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland ee uu ka baxay Alle ha u naxariistee Raysal-Wasaarihii Hore Ee Wixi Laysku Odhan Jiray Somaaliya Marxuum Cumar Carte Qaalib oo ku geeriyooday galabta oo ay taariikhdu tahay 18/11/2020, Caasimada Somaliland ee Hargeysa.

Maayerka Maxamed Amiin Cumer Cabdi Waxa Uu Marxuumka ku sifeeyey siyaasi Ruug-cadaaya Khabiir Ah waayo arag ah oo taariikh ku leh bulshada afka Soomaaliga ku hadasha gaar ahaan Shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland Iyo Guud ahaan man-daqada geeska Iyo Guud Ahaanba Qaarada Africa.

Maayerka Magaalada Gabiley Maxamed Amiin Cumer Cabdi Ayaa Marxuumka Ku Tilmaamay Shakhsi Soo Qabtay xilal kala duwan oo uu ugu sareeyey ra’iisal wasaare Uu Ka Soo qabtay dalkii la isku odhan jiray Soomaaliya. Isagoo ka mid ahaa aqoonyahanadii 1950 meeyadii dalka dibediisa wax ku soo bartay, isagoo ka mid ahaa siyaasiyiintii ka qayb-qaatay shirkii beelaha Somaliland isugu yimaadeen magaalada Boorama ee dhidibada loogu taagay Aasaaska Jamhuuriyadda Somaliland Ee Xiligan Taabaqaaday, markii danbena waxa uu ka mid noqday siyaasiyiintii hirgeliyey hannaanka dimu-quraadiyada Xisbiyada badan ee Somaliland ka jira, ilaa maantana waxa uu ku sugnaa dalkiisa hooyo Isagoo Markasta Iyo Meelkasta Ka Qeyb-Qaadanayay Hormarinta Iyo Xoojinta Haykalka Dawladnimo Ee Jamhuuriyada Somaliland, Waxa Uu Ahaa Shakhsi Dal Jecel, Oo U Halgamay Madaxbanaanida Somaliland Waxa Uu Ahaa Halyay Ku Suntan Sooyaalka Taariikheed Ee Jamhuuriyada Somaliland.

Maayerka Ayaa marxuumka Alle uga baryay inuu naxariistii janno ka waraabiyo Kitaabkiisana Midigta Uga Dhiibo Kana Yeelo Marti La Jecel-Yahay, waxgaradka, waayeelka, aqoonyahanka, qoyska, ehellada, qaraabada, asxaabta, iyo shacbiga Somaliland ee uu ka baxayna samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo Aamiin Aamiin Aamiin.

Maayerka Degmadda Gabiley Maxamed Amiin Cumer Cabdi

 

Exit mobile version