Macron oo amarro cusub ku soo rogay Muslimiinta Faransiiska

Madaxweynaha Faransiiska, Emmanuel Macron, ayaa ugu baaqay hogaamiyayaasha Muslimka ee waddankiisa inay aqbalaan “axdiga qiyamka jamhuuriyadda”.

Arbacadii ayuu Golaha Muslimiinta Faransiiska (CFCM) u qabtay 15 maalmood inay ku aqbalaan axdigaas.

Golaha CFCM ayaa oggolaaday inuu sameeyo guddi qaran oo ay leeyihiin imaamyada Faransiiska, kaas oo sida la sheegay aqoonsi siin doona imaamyada, isla markaana kala laaban kara.

Tallaabadan ayaa ku soo beegmaysa xilli bishii hore ay Faransiiska ka dhaceen saddex weerar oo la tuhunsan yahay inay fuliyiin kooxo Islaamiyiin ah.

Axdiga ayaa lagu qeexi doonaa in Islaamku yahay diin ee uusan ahayn dhaq-dhaqaaq siyaasadeed, halka ay mamnuuc tahay in “farogelin shisheeye” lagu sameeyo ururada Muslimiinta ee Faransiiska.

Macron ayaa si weyn u difaacay nidaamka calmaaniyadda ee uu Faransiiska ku dhisan yahay, isago taageero buuxda u muujiyay macallin qoorta looga jaray sawir uu ku tilmaamay Nebi Maxamed NNKH oo u soo bandhigay ardaydiisa.

Gelinkii dambe ee Arbacadii la soo dhaafay ayaa madaxweynaha iyo wasiirkiisa arimaha gudaha, Gérald Darmanin, waxa ay qasriga Élysée kula kulmeen 8 kamid ah hogaamiyayaasha CFCM.

Kulankaas ayaa lagu go’aamiyay sameynta Guddiga Qaran ee Imaamyada.

Madaxweyne Macron ayaa sidoo kale shaaciyay tallaabooyin cusub oo uu uga hortagayo waxa uu ugu yeeray “gooni u socodka Islaamka” ee Faransa.

Hindise sharciyeedkan oo Arbacadii la shaaciyay ayaa waxaa kamid ah:

  • Xadidaad lagu sameynayo carruurta guryaha wax lagu baro, iyo ciqaab adag oo ka dhan ah dadka diinta u adeegsada inay ugu hanjabaan mas’uuliyiinta dowladda.
  • In carruurta la siiyo lambar aqoonsi ah si loo xaqiijiyo inay iskuullada dhigtaan. Waalidiinta diida amarkan ayaa wajihi kara xabsi lix bilood ah iyo ganaax culus.
  • Mamnuucid ku aaddan faafinta xogta khaaska ah, gaar ahaan tan u sahli karta shakhsiyaadka dhibka wada inay ogaadaan halka ay ku sugan yihiin dadka ay beegsanayaan.

“Waa inaan carruurteena ka badbaadino gacmaha Islaamiyiinta,” ayuu wasiir Darmanin u sheegay wargeyska Le Figaro. Golaha wasiiradda Faransiiska ayaa hindise sharciyeedkan ka doodi doona 9-ka December.

Marcon ayaa horay u sheegay in Islaamku yahay diin wajahaysa “xasarad”, waxaana uu difaacay joornaallada daabaca sawirka ay ku sheegeen Nebi Maxamed.

Tallaabooyinkaas ayaa ka dhigay hogaamiyaha Faransiiska mid laga neceb yahay dalal kamid ah kuwa Muslimka ah. Shacabka waddamadaas ayaa ku baaqay in la qaadaco waxyaabaha uu soo saaro waddankaas.

Faransiiska ayaa waxaa ku nool Muslimiinta ugu badan ee dalalka galbeedka Yurub.