Puntland Oo Gacanta ku Dhigtay 1 Bilyan Oo Shilin Soomaali Sharci Daro ah.

Ciidamada amniga Puntland ayaa gacanta ku dhigay lacag dhan1 Bilyan oo shilin soomali ah iyo gaarigi waday oo ku socday Boosaaso.

Lacagtaan ayaa lagu qabtay Magaalada Qardho.

Ciidamada ayaa gaarigii siday lacagtan ku qabtay inta udhexaysa Kontaroolka deegaanka Al-xamdulilaahi iyo degmada Waaciye.

Duqa Degmada Qardho Mudane Cabdi Siciid Cismaan ayaa sheegay in lacagtaan ay kaga cabsi qabaan in lagu qalqal galinaayeen degaanada Puntland si sare loogu qaado sicir bararka ka jira magaalada.

Waxaa uu sheegay in lacagtaan ay ku xareeyeen Bangiga Puntland ee Qardho , islamarkaana lagu sameyn doono baaritaano.

Puntland shacabka muddooyinkii udambeeyay waxa ay ka cabanayeen Sicir barar saameeyay maciishada qutul daruuriga ah.