Qalalaasaha Tigray: Ergo ka socotay Midowga Afrika oo gaartay Itoobiya

Ergo ka socota ururka Midowga Afrika ayaa gaaray caasimadda Itoobiya ee Addis Ababa si ay isku dayaan inay dhexdhexaadiyaan dowladda Itoobiya iyo maamulka Tigray kaddib dagaalka saddexda toddobaad ka socda halkaas.

Waxaana ergadan kamid ah saddex madaxweyne oo hore oo kala ah madaxweynihii hore ee Mozambique, Joaquim Chissano, madaxweynihii hore ee Liberia Ellen Johnson Sirleaf iyo madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika Kgalema Motlanthe.

Waxay arrintani imaaneysaa xilli Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya, Abiy Axmed uu sheegay in la gala wajigii ugu dambeeyay ee howlgalka ka socda gobolka Tigray.

Abiy wuxuu horraan ku gacan seyray baaqyo caalami ah oo ahaa in wadahadallo lagu soo afjaro colaadda.