Qarax ruxay Markab ku xirnaa dekad ku taalla Sacuudiga

Qarax xooggan ayaa Arbacadii ruxay Markab saliidda qaada oo ay maamusho shirkad laga leeyahay dalka Greece, kaasi oo ku xirnaa dekedda Shuqaiq ee dalka Sacuudi Carabiya, waxaa sidaas sheegay saraakiil Greek ah.

Mas’uuliyiinta Sacuudiga ayaa weerarkan ku eedeeyey kooxda Xuutiyiinta dalka Yemen.

Markab Agrari, oo sita calanka dalka Malta, ayaa “waxaa weeraray koox aan la garaneyn” isaga oo isku diyaarinaya inuu ka shareecdo dekedda Badda Cas ku taalla ee Shuqaiq, sida ay sheegtay shirkadda Greek ee TMS ee maamusha.

Shirkadda waxay sheegtay in wax khasaare dhaawac ama dhimasho ah aysan ka dhalan weerarka. Markabka ayaa waxaa saarnaa 25 shaqaale, oo toddoba ka mid ah ay u dhasheen dalka Greece.

Waxaa socda baaritaan ay mas’uuliyiinta Sacuudiga ku sameynayaan dhacdadan, inkasta oo ay ku eedeeyen kooxda Xuutiyiinta ee dalka Yemen.

Markabka ma sidin wax saliid ah markii uu weerarka dhacay, sida ay sheegeen mas’uuliyiinta Greece.

Xuutiyiinta ayaa dhowr jeer ka fuliyey dalka Sacuudiga weeraro khasaare xooggan gaystay, ayaga oo sanadkii tegay weeraray xarumaha shidaalka laga soo saaro ee magaalada Riyadh.