Qareen ku Eedeysnaa Rabshadihii Kenya Ee Lagu Dhamaaday Oo Isku-dhiibay Maxkamada ICC.

Qareen u dhashay Kenya ayaa isku dhiibay Maxkamadda Caalamiga ah ee Dembiyada (ICC) shan sano kaddib markii ay makamaddu soo saartay amar lagu soo xirayo, isagoo loo heystay rabshadihii ay sababtay doorashadii ka dhacday Kenya.

Maxkamadda ayaa Paul Gicheru iyo labo kale ku xukuntay inay ku xadgudbeen caddaaladda, isla markaana ay faragelin ku sameeyeen marqaatiyada dacwad oogaha ee kiiskii loo heystay dadkii soo qaban qaabiyay isla markaana maalgeliyay rabshadahaas oo dhacay 2007.

In ka badan 1,000 qof ayaa ku dhintay rabshadahaas, 900 oo kiis oo isugu jira kufsi iyo tacaddiyo kale ayaa la diwaan geliyay, waxaana ku barakacay dad gaaraya 350,000 oo qof, sida uu ku warramay wargeyska Kenya ka soo baxa ee The Star.

Maxkamadda ICC ayaa ku eedeysay Mr Gicheru iyo labo kale inay ku howlanaayeen inay laaluushaan marqaatiyada si ay uga laabtaan kiisaska.

Mr Gicheru ayaan weli ka jawaabin arrintaas.

Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta iyo ku xigeenkiisa William Ruto waxay ka mid yihiin lix qof oo ay arrintaasi u heysato maxkamadda ICC.

Sanado kaddib dacwad oogaha ayaa ka laabatay dacwadda ka dhanka ah Mr Kenyatta sanadkii 2015, iyo Mr Ruto sanad kaddib.

Exit mobile version