Rag Isku Sawiray Maydka Maradoona Oo La Raadinaayo

Seddex ka mid ah shaqaalaha goob la dhigay maydka Maradona ayaa sawiro isaga qaaday maydka ka dibna soo dhigay baraha bulshada. Mid ka mid ah waa la aqoonsaday waana laga ceyriyay shaqadiisa.
Labada kale, kaliya waqti ayaa ka xiga in iyagana la aqoonsado oo shaqadooda ay waayaan sida ay sheegtay La Gazzetta dello Sport.

Sawirada ay ka qaadeen maydka Maradona waxay dhacday intii maydkiisa laga soo qaadayay halkii uu ku geeriyooday iyo halka la dhigay ee aqalka madaxtooyada Argentina ee Casa Rosada ee magaalada Buenos Aires.

Wajiga iyo shaqsiga uu yahay mid ka mid ah raga ku kacay falkaan ayaa durbaba la aqoonsaday iyadoo shirkada loo xilsaaray aaska Maradona ay ku dhawaaqday inay shaqada ka ceyrisay.

Labada shaqaale kale ayaa iyagana la filayaa in la ceyriyo marka la aqoonsado iyagoo iyagana sawir la galay maydka ka hor inta aysan daboolin.
Falka ay ku kaceen seddex nin ma ahan mid ku ekaan doona ciqaabtiisa inay waayaan shaqadooda laakiin waxaa loogu hanjabay in maxkamad lala kori doono sida uu baraha bulshada ku soo qoray qareenkii Maradona.

“Waxay ku kaceen fal danbiyeed aad u xun oo laga argagaxo” ayuu soo qoray Marla. “Ciqaab adag ayay u mari doonaan” ayuu yiri.