Raisal Wasaraahi Hore Ee Suudaan Ee Uu Xilka Ka Boobay Bashiir Oo Geeryooday

Ra’iisul Wasaarihii hore ee Suudaan Saadiq Al Mahdi ayaa u geeriyooday cudurka Covid-19 xilli lagu daweynayay cisbitaal ku yaalla dalka Imaaraatka Carabta, sida ay sheegeen qoyskiisa iyo xisbiga uu ka tirsanaa ee NUP.

Waxaana cisbitaalkan la dhigay kaddib markii labaatan iyo hal qof oo ka tirsan qoyska Al Mahdi ay qaadeen cudurka horraantii bishan.

Saadiq Al Mahdi wuxuu ahaa Ra’iisul Wasaarihii Suudaan tan iyo sanadkii 1989-kii xilliggaas oo xilka looga tuuray afgembigii uu garwadeen ka ahaa madaxweynihii hore ee Suudaan Cumar Al Bashiir.