Ronaldinho “Way Igu Adag Tahay In Aan Idhaahdo Messi Ayaa Ugu Fiican Kubbada Cagta”

Halyeeyga Brazil Ronaldinho ayaa diiday inuu Lionel Messi u magacaabo xiddigii abid ugu fiicnaa kubada cagta isagoo soo xushay seddex ciyaaryahan oo ka fiicnaa xiddiga reer Argentina.

Messi oo 33 sanno jir ah ayaa jabiyay tartankii Ballon d’Or ee uu kula jiray Cristiano Ronaldo bishii December isagoo ku guuleystay abaalmarintiisii lixaad.

Ronaldinho oo ka garab ciyaaray Messi intii uu joogay Barcelona ayaa ugu hambalyeeyay xiddiga reer Argentina inuu markii lixaad ku guuleystay abaalmarinta Ballon d’Or.

Si kastaba, halyeeyga reer Brazil ayaa sheegay inay ku adag tahay inuu dhaho in Messi uu yahay xiddigii abid ugu fiicnaa dunida.

Ronaldinho ayaa u sheegay wargeyska Isbaanishka ee Marca: “Waan ku faraxsanahay in Messi uu ku guuleystay Ballon d’Or. Saaxiibo ayaan aheyn markii aan isla joognay Barcelona.

“Laakiin ma jecli inaan ciyaartoyda isbarbardhigo, waana ay igu adag tahay inaan iraahdo isaga ayaa ugu fiican abid”
Xiddigii hore ee Barcelona iyo AC Milan ayaa sheegay in halyeeyada sida Diego Maradona, Pele iyo Ronaldo Nazario in loo arki karo inay ka fiicnaayeen Messi.

“Waxaa jiray Diego Maradona, Pele, Ronaldo …. waa ay adag tahay in la dhaho Messi ayaa ugu fiicnaa taariikhda kubada cagta. Waxaan kaliya dhihi karaa isagaa ugu fiicnaa jiilkiisa” ayuu yiri Ronaldinho.