Shacabka ku Dhaqan Caasimada Tigrey Oo Loogu Baaqay inay Iskaga Baxaan Magaalada.

Ciidamada dowlada federaalka Itoobiya ayaa kusii dhawaanaya magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigrey, waxa ayna ciidamada doonayaan in awood balaaran u adeegsadaan sidii gacan ku heynta magaaladaasi gacantooda usoo gali laheyd.

Saraakiisha milatariga Itoobiya ayaa horey u sheegay in suurto gal tahay in hubka cul culus u adeegsadaan qabsashada magaalada Makelle oo caasimad u ah maamulka gobolka Tigrey ee dagaalka kula jira ciidamada federaalka.

Afhayeen u hadlay dowlada Itoobiya oo lagu magacaabo Ridwaan Xuseen ayaa ugu baaqay shacabka kunool magaalada Makelle in ay isaga baxaan magaalada si ciidamada awood ugu adeegsadaan ciidamada taabacsan maamulka Tigrey.

Waxa uu sheegay Afhayeenka in gabaabsi yahay xilligii loo qabtay madaxda iyo ciidamada TPLF inay isa soo dhiibaan, waxa uuna sheegay in awood loo adeegsan doono hadii aysan isa soo dhiibin saacadaha u haray.

Magaalada Makelle ee caasimada gobolka Tigrey waxaa kunool dad lagu qiyaasay Nus Malyuun qof, waxa ayna dowlada ka baqeysaa hadii shacabka lagu dul dagaalamo in khasaaro xoogan dagaalka uu kasoo gaaro.