Somaliland: Odoroska Miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka Oo La Hor-geeyay Golaha Wasiirrada

Hargeisa(GNN):-Shirkii Golaha Wasiirrada ee JSL ayaa Maanta la horgeeyay Odoroska Miisaaniyad-saneedka 2021-ka.

Shika Golaha Wasiirrada oo shir-guddoominayey Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi ayaa waxa lagu soo bandhigay Xaaladda Caafimaad ee dalka, waxaana Wasiirka Caafimaadka oo Golaha War-bixinnta siiyey uu sheegay in xanuunka Covid_19 uu dunida ku soo laba-kacleeyay isla-markaana uu xilligan Somaliland ka jiro.
Sidaana waxa lagu sheegay War qoraal ah oo ka soo Madaxtooyada markii uu shirku dhamaaday, kaasi oo isagoo dhamaystiran u qornaa sidan “Fadhigii 67aad ee golaha wasiirrada Jamhuuriyadda Somaliland ay ku yeeshay habka Maqalka iyo Muuqaalka (Video Conference) oo uu shir guddoominayey Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi , kuna wehelinaayey Madaxweyne ku xigeenka Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo maanta la horkeenay miisaaniyad sannadeedka 2021-ka.
Ugu horrayn wasiir ku xigeenka arrimaha gudaha, ayaa golaha warbixin ka siiyey xaaladda guud ee nabadgelyada dalka, sidoo kale, wasiirka wasaaradda horumarinta caafimaadka, ayaa warbixin golaha ka siiyey xaaladda caafimaad ee dalka iyo heerka uu marayo xanuunka safmarka ah ee covid 19 oo caalamka ku soo laba kacleeyey, dalka Somaliland-na ka jira, kaasoo saamayn ku yeeshay mar kale caafimaadka bulshada, isagoo wasiirku ku dheeraaday dedaalka wasaaraddu ugu jirto la dagaallanka covid 19, waxaanu madaxda iyo shacbiga ku adkeeyey inay ka feejignaadaan fiditaanka xanuunka koroona fayras, una hoggaansamaan awaamiirta caafimaad ee lagaga hortagayo.
Wasaaradda horumarinta maaliyadda ayaa golaha horkeentay Oddoroska miisaaniyad-sanadeedka 2021-ka, waxana golaha sharaxaad ka siiyay wasiir ku xigeenka wasaarada horumarinta maaliyadda isagoo dul istaagay qaybaha miisaaniyaddu ka kooban tahay iyo meelaha ay diiradda saarayso, wuxuuna xusay inay dalka soo food-saareen xaalado dhaqaale oo ay sababeen covid 19, Ayaxii dalka ku habsaday iyo hakintii arrimaha xajka kuwaasoo saamayn weyn ku yeeshay dhaqaalihii dalka, waxaanu tilmaamay in ganacsatada iyo cashuur bixiyeyaasha dalku ay door muuqda ka qaateen bixinta cashuuraha ku waajibay si ay u daboolanto miisaaniyaddii hore ee ay caqabaduhu soo wajaheen.
Ugu danbayn miisaaniyadan 2021 waxay miisaaniyad sannadeedkii hore ka badnaan doontaa 2.7%, waxana goluhu gudo galay doodda iyo falanqaynta miisaaniyad-sannadeedka 2021-ka, iyadoo goluhu ku ansixin doono fadhiyada dambe.”
ALLAA MAHAD LEH
Maxamuud Warsame Jaamac
Af-hayeenka Madaxweynaha JSL.