Trump goolf ayuu ciyaarayay markii natiijada ay soo baxday

  1. Madaxweyne Donald Trump ayaa ka tagayaqalka cadsaaka isagoo qabtay gobolka Virginia si uu soo ciyaara golofka. Isagoo halkaasi ku sugan ayaa lagu dhawaaqay natiijadaah inuu Bidenku guuleystay doorashada.

    waxaa baraha bulshada la soo dhigay muuqaal muujinaya Trump oo ciyaaraya. Madaxweynaha aad ayuu u jeclyahay ciyaarta goolfka.

    BBC-da waxay fahansan tahay in madaxweynaha uu haatan ka tagay Virginia.

    reuters

    Ra’iisal wasaaraha UK Boris Johnson oo u hambalyeeyay Biden

    Ra’iisal wasaaraha UK Boris Johnson ayaa codkiisa ku biiriyay hoggaamiyayaasha caalamka ee u hambalyeeyay Joe Biden iyo Kamla Haris.

    Wuxuu sheegay inuu rajeynaya inuu wadashaqeyn la yeesho maamulka cusub ee Biden.

    Johnson iyo xoghayihiisa arrimaha dibedda Dominic Raab ayaa cambaareyn la kulmay isbuucan ka dib markii ay iska diideen inay dhalleeceyaan sheegashada aan hubaasha lahayn ee Trump ee ahayd in doorashada lagu shubtay.

    bbc