Uhuru Kenyatta Oo Dhiggiisa Talyaaniga Kulan Xasaas ah kula Yeeshay Roma

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo ku sugan dalka talyaaniga ayaa maanta booqasho ugu tagay dhigiisa dalkaasi Sergio Mattarella, iyaga oo ku kulmay qasriga Quirinal ee Magaalada Roma.

Madaxweyne Kenyatta ayaa waxaa loo sameeyey soo dhaweyn rasmi ah oo dowladeed, isaga oo Salaan Sharafeed ka qaatay cutub ka tirsan militariga Talyaaniga.

Booqashada uu dalka talyaaniga ku tegay Madaxweyne Kenyatta ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay mid lagu adkeynayo xiriirka soo jireenka ah ee Kenya ay la leedahay Talyaaniga.

Kulan gaar ah oo ay yeesheen labada Madaxweyne ayaa waxaa ay kaga wada hadleen dhowr qodob oo ay wadaageen labada dal ee Kenya iyo Talyaaniga oo ay ugu horreeyaan ganacsiga iyo maalgashiga, dalxiiska, iyo dagaalka caalamiga ah ee lagula jiro Cudurka Covid-19.

Exit mobile version