Uk Oo Lagu Xidhay Kalkaaliso Caafimaad Oo Loo Haysto Dilka 8 Caruur Ah

Kalkaaliso caafimaad oo u dhalatay dalka Ingiriiska ayaa lagu soo oogay 8 dacwadood oo dil ah iyo 10 dambi oo isku day dil ah oo ay kula kacday ilmo yaryar, cisbitaal ku yaal koonfurta magaalada Liverpool.

Ficillada waxay dhaceen muddadii u dhaxaysa Juun 2015 ilaa 2016.

30-jirka Lucy Letby ayaa la xiray Talaadadii. Waxaana la sii hayn doonaa ilaa Khamiista.

Haweeneyda ayaa sidoo kale isla kiiskan horay loogu xiray, sanadihii 2018 iyo 2019.

Baaritaankan waxaa la bilaabay bishii May 2017. Waqtigaas, waxaa la bilaabay baaritaano ku saabsan 15 caruur ah oo ku dhimatay cusbitaalka The Countess of Chester Hospital, halkaasoo haweeneydu ka shaqeynaysay.

Exit mobile version