Waa tuma haweenayda la filayo in ay noqoto Marwada Koobaad ee Maraykanka ?

Jill Biden oo dhex taagan fasal madhan oo ay ku dhigi jirtay luuqadda ingiriisiga 1990-yadii, ayay khudbad ka jeedisay shirkii xisbiga dimuqraadiga kadib markii ninkeeda si rasmi ah loogu magacaabay musharax madaxweyne, hab online ah.

Ka dib markii ay sheegtay in Joe Biden la doorto, ayaa ay masraxyada kula soo biirtay ninkeeda oo ku ammaanay tayadeeda inay tahay marwada koowaad ee mustaqbalka.

“Dhamaan dadka wadanka oo dhan, waxaa ku boorrinayaa iney ka fakaraan mudnaanta uu leeyahay aqoonyahan aad jeceshahay oo ku siiyay kalsooni aad naftaada ku aaminto. sida marwada koowaad ee mustaqbalka Jill Biden,” ayuu yiri.

Laakiin maxaan ka naqaannaa haweeneyda la filayo inay dhowaan ninkeeda kula biiri doonto Aqalka Cad?

Nolosheeda shaqsiga ah

Jill Jacobs waxay bishii Juun 1951 ku dhalatay gobolka New Jersey ee Mareykanka. waxay ugu weyntahay shan gabdhod oo la dhashay, waxay ku soo kortay magaalada Philadelphia ee xaafada Willow Grove.

Kahor inta aysan guursan Joe Biden waxay guursatay ciyaaryahankii hore ee kubada cagta ee Bill Stevenson.

Joe Biden ayaa xaaskiisii ​​ugu horeysay iyo gabadhiisa oo hal sano jir ahayd ah ku waayey shil gaari 1972, inkastoo Wiilashiisa Beau iyo Hunter ayaa labaduba ka badbaadeen shilkaasi.

Jill waxay tiri waxaa sannadkii 1975-tii Joe ibaray walaalkiis, isagoo xilligaasi ahaa senator, hallka Jill ay weli dhiganeysay jaamacadda.

“Waxaan ahaa qof da ‘weyn, waxaanan la haasaawayay wiilal ku labisan jiinis iyo funaanado kadibna waxaa nolosheyda ku soo biiray Joe. Maalintii ugu horreeysay ee aan la kulmayay waxa uu ku labisnaa jaakad isboorti iyo kabo buutka furan ah”, Wuxuu iga weynaa sagaal sannadood!

Waxay sheegtay in Joe uu u soo dalbaday shan jeer ka hor inta aysan aqbalin.

Lamaanahan ayaa ku aqal galay magaalada New York sanadkii 1977. Gabadhooda Ashley, waxay dhalatay 1981.

Beau Biden wuxuu u dhintay kansarka maskaxda bishii May 2015, isagoo jira 46 sano.

Mrs Biden ayaa arrimaha qoyskeeda iyo halgankii ay soo martay ka hadashay markii ay ninkeeda ku taageertay in loo magacaabo musharaxa madaxwaynaha ee xisbiga Dimuqraadiga.

“Waan ogahay in haddii aan ummadaan ku aaminno Joe, uu qoyskaaga u sameyn doono wixii uu u qabtay qoyskeenna,” ayay tiri.

Xirafaddedii macallinimo

Mrs Biden, oo 69 jir ah, waxay tobanaan sano ahayd macallin.

Waxay haysataa shahaadada koowaad ee bachelor-ka iyo laba shahaadada mastarka ah, sidoo kale sannadkii 2007-kii waxay Jaamacadda Delaware ka qaadatay shahaadada PHD.

Kahor intaysan u guurin Washington, DC, waxay wax ka dhigeysay kuliyad jaaliyadeed oo ku taal gobolka Delaware ee Maraykanka, dugsiga sare ee dadweynaha iyo isbitaalka dhimirka ee dhalinyarada.

Waxay cinwaankeeda ka bixisay shirkii xisbiga dimuqraadiga ee sannadkan ka dhacay fasalkeedii hore ee Dugsiga Sare ee Delaware ee Brandywine, halkaas oo ay ku baratay Ingiriisiga 1991 ilaa 1993.

Mrs Biden waxay ahayd borofisoor luuqada ingiriisiga ka dhigata Machadka Northern Virginia halka seygeedu uu noqday madaxweyne ku xigeenka.

“Waxbariddu ma ahan shaqadayda. Waa cidda aan ahay” ayay ku tiri barteeda Twitter-ka bishii Ogosto.

Siyaasadda

Mrs Biden waxay horey usoo noqotay marwada labaad ee dalka Mareykanka halka ninkeeda uu madaxweyne kuxigeen soo ahaa sannadihii 2009 ilaa 2017.

Muddadaasi, shaqadeeda waxaa ka mid ahaa dhiirrigelinta kulliyadaha bulshada, u doodista qoysaska milateriga iyo kor u qaadista wacyiga ku saabsan ka hortagga kansarka naasaha.

Sannadkii 2010-kii waxay martigelisay Shir-Madaxeedkii Aqalka Cad ee looga hadlay Kulliyadaha Bulshada, kaas oo lagu doonayey “in lagu muujiyo doorka Machadyada bulshada ee horumarinta shaqaalaha Mareykanka”.

Waxay sidoo kale bilawday qorshaha ku biirista ciidamada ee Michelle Obama, oo ay ka mid tahay ka caawinta halyeeyada milatariga iyo qoysaskooda inay helaan barnaamijyada waxbarashada iyo ilaha shaqada. Intii lagu jiray ololihii 2020-ka waxay ku caanbaxday taageeridda ninkeeda.

bbc

Exit mobile version