Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyada Somaliland Oo Daah Furtay Shirka Sannadlaha ah ee ICT.

Hargeisa(GNN):-Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyada Somaliland ayaa Daahfurtay Shirka sannadleh ah oo sannadkiiba hal mar lagu qabto Gudaha caasimada Hargeisa.

Waxaana Shirkan Sannadleha ah Oo Ay Soo Agaasinto Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jamhuuriyada Somaliland oo uu gadhwadeeen u yahay wasiir C,wali Sheekh Suuf Jibriil ayaa sannadkan Waxaa Shirkan kasoo qayb galay dhammaanba Shirkadaha waaweyn ee dhinaca isgaadhsiinta iyo sidoo kale shirkad kasta oo ku tacaluqda dhinaca ICTga ama isgaadhsiinta.

Waxaana shirkan oo Maanta galinkii danbe lasoo gabogabeeyey Lagu Yidhi War Qoraal ah oo Kasoo Baxay Wasaarada Isgaadhsiinta iyo Tiknoolajiyada Jsl.

Wasiirka Isgaadhsiinta iyo Teknoolajiyadda Somaliland, Dr. Cabdiweli Cabdillaahi Suufi ayaa si rasmi ah u soo gunaanaday shirweynihii ICT-ga Somaliland.
Wasiirku waxa u mahadnaqay dhammaan shirkadaha iyo hay’adaha taageeray shirka, sidoo kale waxa uu mahadcelin iyo dhiirigelin siiyay shaqaalaha wasaaradda oo kaalin weyn ka geystay qabsoomidda shirka.
War-murtiyeedka Shirka ee uu wasiirku akhriyay waxa aad ka heli kartaan boggaga wasaaradda iyo warbaahinta.

Halkan Hoose Ka Daawo Muuqaalka Warka Shirka