Abiy Ahmed Oo Booqasho Lama Filaan ah ku Tagaya Dalka Kenya.

Ra’iisal Wasaaaraha dalka Itoobiya Abiy Ahmed ayaa lagu wadaa in booqasho labo cisho oo ka bilaabeysa maalinta berri ah uu ku tago dalka Kenya.

Safarka Ra’iisal Wasaaraha ayaa noqonaya kiisii ugu horreeyay tan iyo markii uu ku dhawaaqay in la soo afjaray dagaalkii ciidamada difaaca Qaranka kula jireen jabhada TPLF ee gobolka Tigray-ga.

Abiye Ahmed ayaa magaalada Mooyaale ee gobolka Martisibet kula kulmi doona dhiggiisa dalkaasi Kenya Uhuru Kenyatta oo ay wadajir xariga uga jiri doonaan barkoontarool ama boosteejo lagu fuddudeynayo isku socodka labada dal.

Kenya iyo Itoobiya waxaa ka dhaxeeya xiriir wanaagsan oo saaxiibtimo marar badanna hogaanka labada dal waxaa ay yeesheen kulamo iskaashi iyo waliba mid siyaasadeed.

Inta uu joogo Abiy dalka Kenya sidoo kale waxaa suurtagal ah in uu dhiggiisa Kenya kala hadlo xaalada Itoobiya iyo dagaalladii ugu danbeeyay ee ka dhacay gobolka Tigrayga.