Alshabaab Oo Weerar Ku Qaaday Ciidamada Sawaaxilaga Ee Haysta NFD

Wararka kala duwan ayaa ka soo baxaya khasaaraha ka dhashay weerar ay dagaalamayaal ka tirsan kooxda Al-Shabaab saacadihii la soo dhaafay ka fuliyeen qeybo ka mid ah gobolka Waqooyi Bari ee dalka Kenya.

Dagaalamayaasha weerarka qaaday ayaa waxaa lagu soo warramayaa inay beegsadeen saldhig ciidamada Booliiska Kenya ay ku leeyihiin duleedka magaalada Mandera.

Weerarka oo ahaa mid qorsheysan ayaa waxaa xigay iska hor imaad toos ah oo dhex-maray ciidamadii ku sugnaa saldhigga la weeraray oo ku yaalla deegaanka Sheekh Barrow iyo dagaalyaasha kooxda Al-Shabaab, kaas oo muddo kooban socday.

Ilo deegaanka ah ayaa sheegay in khasaare kala duwan uu ka dhashay iska hor imaadka dhex-maray labada dhinac, balse ma cadda inta uu gaarsiisan yahay.

Dhinaca kale dagaalamayaasha Al-Shabaab oo war ka soo saaray weerarkaasi ayaa sheegtay inay ku gubeen labo gawaari oo ay lahaayeen ciidamada Kenya.

Illaa hadda ma jiro wax faah faahin ah oo saraakiisha ammaanka Kenya ka bixiyeen weerarkan iyo dagaalka xigay intaba.
Xaaladda meeshii lagu diriray ayaa haatan degan, waxaana goobta isaga baxsday dagaalamayaashii weerarka qaaday.

Inta badan Al-Shabaab ayaa weeraro khasaare xoogan geysta ka fuliya gudaha dalka Kenya, gaar ahaan gobolka Waqooyi Bari ee dalkaasi.